Waqtiga qaataha uu lacagta helayo ayaa kala duwanaan doonta iyadoo ku xidhan xulashooyinka lacag bixinta ee waddan kasta:


  • Koontada bangiga - laga bilaabo isla markiiba illaa 3 maalmood oo shaqo.
  • Jeebka moobiilka - isla markiiba (illaa 5 daqiiqo)
  • Lacag kaash - isla markiiba (illaa 5 daqiiqo)


Waqtiyada lacag bixinta ee gaarka ah ayaa laga hubin karaa wadan kasta iyo adeeg kasta marka aad direyso lacagta.


Fadlan sidoo kale la soco in, xaaladaha qaarkood, waqtiga qaataha uu lacagta helaayo ay saameyn ku yeelan karto waqtiga maalinta la joogo markaa, waddanka aad u dirtay iyo ikhtiyaarka lacag bixinta ee aad doortay.


Si aan ugu hoggaansano qawaaniinta kala duwan ee adduunka, waxaan u baahan karnaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan lacagta aad dirtay, taas oo dib u dhigi karta waqtigi guud ee qaataha uu lacagta heli karo.