Lacagaha waxaanu ku bixinaa dhawr adeeg, iyada oo kuxidhan waddanka aad lacagta u direyso:


1. Koontada bangiga
Waxaan ku shubaynaa lacagta akoonka aad faah faahintiisa bixisid markaad lacagta dirayso.fadlan la soco in lacagtu qaadan karto dhawr maalmood inay gaadho akoonka qaataha,iyadoo ku xidhan bangiga wadanka aad lacagta u direyso.


2. Lacag kaash ah
Markaad abuureyso lacagta aad direyso waa inaad doorataa halka uu qofka lacagta aad udireysaa  uu ka qaadan doono. Marka lacagta dirideeda aad ku guuleysato oo eey xagaaga kasoo baxdo, waxaad heli doontaa emayl iyo SMS oo leh tixraaca lacagta kaashka ah. Qaatahaahu wuxuu aadi karaa xafiiska ugu dhaw. wuxuuna qaadan karaa lacagta isagoo wata aqoon sigiisa iyo tixraaca aad la wadaagtid. Shuruuda Aqoonsiga looga baahan yahay qaataha way ku kala duwna yihin wadamadu waxayna ku xidhan tahay wadanka uu qaatuhu joogo, fadlan hubi gudaha.


3. Lacagaha Mobilada
lacagta waxaa si toos ah loogu diraa koontada lacagta mobilka ee lambarka taleefoonka ee aad bixisad markaad macluumadka qofka aad udireyso lacagta buux buuxineysid. Qofka aad udirtay lacagta wuxuu ka heli doonaa ogeysiis bixiyaha lacagta ku bixiya mobilada marka lacagta la xisaabiyo.