Waxaad ku xidhi kartaa akoonkaaga appka Dahabshiil adoo raacaya tillaabooyinkan hoose:

  1. Fur appka Dahabshiil oo gal akoonkaaga.
  2. U gudub liiska Profile-ka.
  3. Taabo badhanka "Close Account".
  4. Raac tilmaamaha shaashadda si aad u codsato xidhitaanka akoonkaaga.


Fadlan la soco macluumaadkan muhiimka ah:

  • Hubi inaadan wax lacag ah ku jirin boorsadada ama wax kala iibsiga ka hor inta aanad bilaabin xidhitaanka akoontiga. Fadlan ogsawnaw inaadan xidhi karin akoontigaga iyado ay jirto lacag ku hadhay boorsadada ama xawilaad wali kaa taagan ama aan la qaadan.
  • Marka akoonkaaga la xidho, awood uuma yeelan doontid inaad dib u soo gashid.
  • Sida ku qeexan siyaasaddayada khaaska ah, waxa nalooga baahan yahay in aanu haysano xogtaada muddo 5 sano ah.


Haddii aad qabto wax su'aalo ah ama aad u baahan tahay gargaar dheeraad ah, fadlan la xiriir kooxdayada taageerada macaamiisha. Waxaad la xidhiidhi kartaa kooxdayada Taageerada Macmiilka adiga oo furaya abka mobaylka ee Dahabshiil oo aad gasho akoonkaaga. Kadib, fadlan u gudub menu-ka Profile oo taabo badhanka "Taageerada Macmiilka".