Hubso in macluumaadka ku qoran dukumiintigaaga u dhigmo midka koontadaada Dahabshiil. Macluumaadka muhiimka ah ee aqoonsiga, sida magacaaga, cinwaankaaga, ama taariikhda dhalashadaada waa inay si sax ah isugu dhigmaan.

 

Haddii wax ka mid ah macluumaadkaaga u baahan yahay cusbooneysiin waxaad la xiriiri kartaa adeegga macmiilka

 

Laba jeer hubi taariikhaha dhicitaanka ee ku taala aqoonsigaaga. Hadduu aqoonsigu dhacay, ma aqbali karno. 

 

Tariikhda bixinta ee dukumiintiyada sida biyaha iyo korontada ama diiwaan-xisaabeedka bangiyeed waa inay noqdaan kuwo aan dhaafsaneyn saddexdii bilood ee hore.

 

Hubso afarta gees oo dhan inay muuqdaan oo aysan waxba ku gudbaneyn markaad sawirka ka qaadeyso dukumiintiga ama aqoonsiga. Tani waxay si gaar ah muhiim u tahay marka aad noo soo direyso boggag dhammeystiran oo dukumiintiyada ah. Waxaan u baahanahay inaan aragno bogga oo idil, ma ahan kaliya qeyb kamid ah.

 

Haddii aan codsano diiwaan-xisaabeed bangiyeed, taasi waxay ka dhigan tahay waxaan u baahanahay inaan hubino inay koontadaada kuugu jirto lacag kugu filan si aad u dirto. Marka, laba jeer hubi inuu diwaan-xisaabeedku leeyahay baaqi dabooli kara lacag dirista.

 

Xaqiiji dukumiintiga in la akhrin karo oo waxba inay qarsooneyn. Haddii aynu akhrin karin, ma isticmaali karno.