Marka aad direyso caddad badan ama aad codsaneyso inaad kordhiso xaddiga koontadaada, waxaan u baahanahay inaan xaqiijino sida aad ku heshay lacagta aad direyso. 

 

Tani waxaan sameynaa innagoo ku weydiineyno inaad keento dukumiintiyo muujinaya Isha Dhaqaalahaaga.

 

Halkan waxaa ku qoran tusaalooyinka dukumiintiyada aan ku weydiin karno, iyadoo ku xiran tahay halka lacagtu kaa soo gasho.

 

TUSMADA:

Kuwaani waa tusaale oo keliya, waxaan ku weydiin karnaa dukumiintiyada kale aan halkan ku qorneyn.

Mushaarka

 

Haddii lacagtu kaa soo gasho mushaarkaaga, waxaan ku weydiin karnaa inaan aragno dukumiintiyo muujinaya:

 

  1. doorkaaga
  2. mushaarkaaga sannadlaha ah
  3. magaca iyo cinwaanka batroonigaaga
  4. taariikhaha aad bilowday shaqooyinkaaga
  5. taariikhaha aad heshay lacaha mushaarka

 

Waa kuwaan dukumiintiyada qaar ee tusaalaha ah ee aad isticmaali karto:

  • jeeggaga mushaaraadka
  • qeybta mushaarka kaga qoran yahay qandaraaskaaga
  • diiwaan-xisaabeed bangiyeed oo 3 bilood ah
  • Canshuur-celintaada ugu dambeysay

Deynta

 

Haddii lacagtu kaa soo gasho deyn, waxaan ku weydiin karnaa inaan aragno dukumiintiyo muujinaya:

 

  1. caddada aad deynsatay
  2. taariikhda aad heshay lacagta
  3. magaca amaahiyaha
  4. cinwaanka amaahiyaha
  5. ujeeddada deynta

 

Waa kuwaan dukumiintiyada qaar ee tusaalaha ah ee aad isticmaali karto:

 

  • nuqullada heshiiska amaahdaada
  • diiwaan-xisaabeed deyn oo 3 bilood ah
  • diiwaan -xisaabeedka bangiyeed ee muujinayaan inaad heshay lacagta 
  • caddeyn kasta ee kale