Si aad u bilowdo isdiiwaan galinta, booqo websaydhka ah (LINK) 

Gali lambarkaaga moobiilka, emaylkaaga iyo eraygaaga sirta ah.

Waxaan kuu soo diri doonaa farriin qoraal ah, oo leh koodhka, si aan u xaqiijin karno lambarkaaga moobaylka.

Waxaad markaa u baahan doontaa inaad bixiso magacaaga oo buuxa, cinwaankaaga, taariikhda dhalashadaada iyo ujeeddada akaawnkaaga.

Haddii aan xaqiijin karin weyno macluumaadkaaga waxaan samayn doonnaa baaritaano dheeri ah. Waxaa laga yaabaa inaan u baahanno sawirka aqoonsigaaga iyo sawirkaaga adiga si aan kuu xaqiijinno. Bixinta macluumaadka saxda ah waxay naga caawin doontaa inaan socodsiinno wareejintaada si dhakhso badan oo aamin ah.