Waqtigan xaadirka ah, adeeggayaga xawilaadda internetka wuxuu u shaqeeyaa sidii caadiga ahayd inta lagu jiray xiisadda adduunka iyo, ilaa iyo hadda, wax dhibaato ah kama soo gaadhin inaan lacagtaada u gudbino kuwa aad jeceshahay ee jooga dibedda. 

Xubnaha kooxdeena dhamaantood waxay hada ka shaqeeyaan guriga. Nasiib wanaagse, ka shaqeynta fog waa wax had iyo jeer qeyb ka ahaa dhaqanka Dahabshiil, markaa wax nagu cusub maahan. Taas micnaheedu waa inaan si wanaagsan oogu meelaynay inaanu adeegyada sii wadno sidii caadiga ahayd oo aan uga taageerno xubnaheena macaamiisheena baahiyaha xawaaladeed.

Kooxda oo dhami waxay ku dadaalayaan inay wax ka qabtaan cudurkan, sidaa darteed waxaan ula jaan qaadi karnaa isbadalada socda waxaanan sii wadaynaa taageerida macaamiishayada oo wax ka qabanayna arrimaha aad wajahayso waqtigaan.